Magaalada Biki oo taarikhdda biyo galin yeelatay.(Sawirro)

13 sanno kaddib waxaan helnay biyo“, shacabka magaalada Biki.
Masuuliyiin uu hoggaaminayay wasiirka Xafiiska Biyaha DDS oo shaqo ku gaadhay magaalada Biki ee gobolka Siti ayaa ujeedkiisu ahaa in kormeer indho’indhayn ah lagu soo sameeyo mashruuca biyo-gelinta magaalada Biki. Magaalada Biki oo muddo ku dhow 13 sano aan helin wax biyo ah ayaa hadda dad iyo duunyaba ka faa’iidaysanaysa mashruucan biyo-gelinta ah.
Shacabka ku dhaqan magaalada Biki ayaa bogaadiyay sida ay u helaan biyaha, waxa ayna sheegeen in mashruucani uu daboolay baahidii dhinaca biyaha, inkasta oo mashruuca laga dhammaystiri doono dhinaca laydhka uu ku shaqeeyo maaddaama oo uu hadda mashiin ku shaqeeyo. Mashruucan waxaa ka faa’iidaysan doona dad gaadhaya 33 kun oo qof, waxaana ku baxaysa lacag dhan 113 milyan oo birr.
May be an image of 8 people, people standing and outdoorsMay be an image of 3 people, people standing and body of water
May be an image of 8 people and body of water
May be an image of 14 people, people standing and body of waterMay be an image of sky, road and tree