Casrigii Dullinimadka Cadawga  iyo Doqonnimada Reer Sitti.

 

Ma jeesjees ba mise waa qalbi qaboojin? ma in la iloobo tii hore?

3 degmo oo been abuur ah iyo hanfar ah oo aan sal iyo raad lahayn. Nacasnimo 4 dhal ah❗

sidee ugu dulqaadan karna nacasnimada intaa leeg  la nagu sameeynayo?

Tani waa dhibaato horleh oo doqonnimo abuur ah
Waa siyaasadda nacasnimo sameeynta oo
loogu talagalay in lagaga faa’iidaysto ree Sitti si
jid gaaban maskaxeed oo loogu ciyaaro oo ay dhawor cisho hambalyaada wadan
Dalka Cambodia Sanadkii 1975 waxa wadan kaas qabsaday kaligii taliye macangaga ah oo xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka kula kacay dadkiisi

Sanadkas waxa loogu magac daray “Year Zero”, iyo „Dhimashada aamusa“ waa waagii , dareen la’aan, jacayl iyo murugo, dawo la’aan, isbitaalla’aan, dugsi la’aan, buugaag, waxbarasho la’aan.  fasax la’aan, muusig la’aan, heeso, boosto, lacag la’aan – shaqo iyo geeri la’aan , John Pilger, Year Zero:

Ma ogtahay  in siyaasadda nacasnimada ee
Caqli-diidku tahay cadaawga anshaxa, qiyamka, akhlaaqda iyo mabaadiida aadanaha?

Waxaan joogna waa wakhti si dhab ah loo la dagaalamo caqliga  aadanaha, mabaadida umaddaha, kalsoonida qofka, damiirka dadnimo iyo indheer-garadnimada.

Falsafadda ay isticmaalan dawladda macangaga, gumaystayaasha, kaligood-taliyayaasha  iyo
hogaamiyaasha cuqdada iyo jirooyinka maskaxeed sida narcissism, psychopath, sociopath
Nidaam

Caqli-diidnimada ku salaysan waa mid abuurta
kalsooni darro,  qiyaam la’aan
muwaadiniin doqmo ah
Itoobiya ayaa ka mid wadanada isticmaala falsafadda umaddaha lagu haybwerersho

Barbaarinta jiil Soomaali ah laakiin ku koray luqadda Amxaariga iyo taariikhda iyo falsafadda beenta, dhagarta, isirnacaybka, iyo dhulballaarsiga ku dhisan ee Itoobiya.

Itoobia waxa ay isticmaasha qaaciddada mariidka badan ee ku wajahan la dagaallanka isirka Soomaalida geeska Afrika iyo diinta Islaamka. Waa labada tiir ee saldhigga u ah jiritaanka, qarannimada, iyo midnimada ummad iyo qaran Soomaaliyeed.

Waxaan noolnahay casrigii  doqonnimada. Casri dahabi  ah oo ay  nacasnimadu tahay mid aan la xakameyn karin..

Shacabkii masaakiinta ahaa  ee laa dayac la difaac wayay,
Misna la khiyaameey.  dadkii la xasuuqay maalkoodina la dhaacay ayaa maanta lagu jeesjeesa ayaa.
War miyuuna  caqliginu shaqeeynan?
fahanto shirqoolka  iyo khiyaana Mustafe Cagjar  ma fahantaan miyaa?

Waxay ahayd shalay markii laa faadhiyay Qaraf ee la inaagu laha Garbocisse waan xoreeynay,
Khiyaanada iyo shirqoolaada lagu  xasuuqay waa kuwo laga soo maaleego Addis Ababa, Deegaanka Canfarta, Deegaanka soomaalida iyo magaalada Diridhaba.

Bilawgii waxa la soo  jeedshay in ay dacwada loo  gudbiyo aqalka  sare  ee golaha federation.  laakiin nasiib daro Maamulka jigjiga ayaa  arrintaas
dhegahooda xidhaay  waxay dideyn
hab-raacyadi  ugu maaqul galsana ee
lagu difaaci laha dhulka iyo dadkaba
halka ay  qadyada  u gudbin lahaayeen laamaha ay   khusayso iyo hab-raacyada dastuurka sida qodabka  46. DDS waxay  qaataan qaarar  aan ku salaysneyn qali, cilmi baaris
iyo istaraatiijiyaad.

maadaama oo ay dadka Soomaaliyeed yihiin dad aad ugu nugul sameeynta shucuur. Markii ay markay DDS  tidhi dhulkii waanu soo celinay
Dhamaanteen aad ayaan ugu Farxaddeenna waxaynu u dabbaaldegnay war aan ka wadanay television, anaga oo aan is weydiin  su’aalo aad u gun dheer, anaga oo an  fahmin duruufaha ku maaggeersan, ee siyaasadeed, amniga  istaraatiiji iyo damac Itoobiya. Aad ayaa ugu riyaaqnay   iyadoon la saadaalin cawaaqibka ka dhalan kara  mustaqbalka.

Sababto ah waxaan nahay dad aan ka fikiri karin  timaadad fog ta dhawo iyo ta dheerba
Maadaama oo aan nahay bulsho xakameyn karin shucuurtooda, xanaaqooda, farxadooda.

Anaga oo aan sameeyn  cilmi-baaris oo aan  dejin xeelad lagu badbaadin karo dadka iyo dhulka ayaa farxadda iyo reyn reynta isla dhex yaacnay
taxadar la’aanteena.  feejignaan la’aantayada sababtay wixi guuldarro anagu dhacay
.
iyada oo aan la falanqayn  xaaladda mustaqbalka.
iyada oo aan la baarin khatart  imaan karta, la  diyaarin  ka hortagga, iyada oo aan la fekerin lagana fikirin khatarta jirta fursada taaloo

Cidaanka booliska gaarka ah  ayaa dhamaan la saaray Gobolka Sitti,

Aadan faarax ayaa xil sare loo magacaabay aad ayaa ugu waad  faraxnay baroorta, biriq biriqda ayaa maalmoo qabsatay baraha bulshada  hambalyaada  ayaa ahayd kalmada u mid waliba Facebook ku qori karo.

Maanta  3 degmo ayaa  laga sameeyay Galbeedka Sitti.
Waxa ka jira arrintaas hort?
Ayaa sameeyay saddexda degmo? Horta side degmo loo sameeya?
Ma waxa la hubsaday inay reer Sitti yihiin wax ma garaato meel dheer waxba ka arag oo ay nacasnimo  gun iyo bar gaashay?

Waxaan aragna farxadda, iyo hambalyaada  ay si la dhex marayaan Baraha bulshada jiilkii da’da yarta ah  ee  lagu soo barbaarshay
nidaam waxbarasho dullinta iyo  dhalan rogga  iyo  marjacyada cilmiga nacasnimada.
Farxadda maanta kama duwana shucuurtii hore ee beenta ahayd,  hambalyaadii hore ee raad lahayn

Tani waa tusaalaha siyaasadda nacasnimada
Wax noolnahay casrigii doqonnimada  iydullinimada
Bal adigu is weydii Shacab dhan oo la didey in la difaaco,

tobanaan kun oo barakacayaal ah  oo haysan hoy iyo  cunto,

Dadka badan  100,000 oo loo didey in ugu yaran la
diwaangeliyo ka dib markii lagu guul daraystay ilaalinta noloshooda  Waxay noqon doonta  buug  lagu lafa guray  sameeynt jiil  doqmo ah buug lagu barto  siyaasadda nacasnimada

tahay buug wax lagu barto oo doqonnimo guud ah.  Doqonnimadu waa sida doqonnimada oo kale, ama, sida aanay yeelin.  Doqonnimada iyo xilkasnimadu waa mataano shar leh.

Qore;Mohamed-Hadi.