Daawo Sawirrada iyo Sidda looga Ciiday magaalada Shiniile.
Dhamaan caalamka Islamka ayaa maanta laga wada xusay maalinta weyn ee ciidul-Fidriga Degaanadda Soomaali-State gaar ahaan gobolka Sitti ayaa ka mid ahaa meelaha sidda weyn looga xusay Magaalada Shiniile ee xarunta ee gobolka Sitti oo si farxad leh looga ciiday munaasabada ciidul-fidriga ee 1443aad ee taariikhda hijrada.
Kumannaan ka mid ah shacabka magaalada Shinniile ee xarunta gobolka Sitti iyo masuuliyiinta gobolka ayaa ka soo wada qeyb-galay, halkaana ku tukatay labada rakacadood ee salaata ciidda.






