Einträge von admin

Dalka Sweden oo noqotay dalkii ugu horreeyey ee iibsada basaska korontada ku shaqeeya ee Turkiga + Sawirro.

Ankara (XeerNews24.com– Sharikadda farsamaysa gawaadhida korontada ee Temsa, oo ay leedahay sharikadda laga leeyahay dalka Turkiga ee Sabancı Holding, ayaa Sweden u dhoofinaysa basaskeeda casriga ah ee MD9 electriCITY, taasoo noqonaysa markii ugu horreeysey ee ay sharikaddu dibedda u dhoofiso basaskeeda. Waxay sheegeen in durba 6 ka mid ah basaska Temsa ee lagu sameeyo gobolka […]

Itoobiya oo ku raad joogta hogaamiyayaashii TPLF ee Tigreega.

  Mekelle (XeerNews24.com) – Dowladda Itooobiya ayaa sheegtay inay ugaarsaneyso oo ay ku raadjoogto hogaamiyayaashii gobolka Tigrey, maalin uun ka dib markii ay dowladda federaalka sheegtay inay la wareegtay magaalada madaxda Tigrey ee Mekelle. Lama oga ilaa iyo imika halka ay ku sugan yahay hogaamiyihii gobolka Tigrey ,Debretsion Gebremichael. Mr Debretsion ayaa wakaalada wararka ee Reuters […]

Ciidamada Itoobia ayaa sheegey in si buuxda gacanta ugu dhigeyeen magaalada Mekelle.

Mekelle (XeerNews24.com) – Ra’iisul Wasaraaha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ku dhowaaqay in ciidamada dowladda ay galeen magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray, waxaa sidaas sheegay taleefishinka dowladda. “Waxaan awood u yeelanay inaan galno magaalada Mekelle ayada oo aan la beegsan goobo dadweyne,” waxaa sidaas Abiy Ahmed kasoo xigtay taleefishinka dowladda ee EBC. Taliyaha ciidamada militariga, Birhanu […]

Dawladda Iraan Oo Wacad Ku Martay Inay U Aari Doonto Khabiirkoodii Niyukleerka Ee La Dilay iyo Video.

Iiran ayaa wacad ku martay inay ka aargoosan doonto kuwii ka dambeeyay dilkii loo geystay Seynisyahankoodii ugu sareeyay ee dhanka Niyukleerka, Mohsen Fakhrizadeh, oo shalay la dilay. Seynisyahankani barnaamijka Niyukleerka Iiraan Mohsen Fakhrizadeh ayaa lagu khaarajiyay meel u dhaw caasiamda Tehran, waxaa sidaasi sheegay wasiirka gaashaandhiga Iran. Fakhrizadeh ayaa dhaawac ka soo gaaray weerarkaasi ugu […]

Netanyahu oo booqasho qarsoodi ah ku tegay Sacuudi Carabiya(Video)

Riyadh (XeerNews24.com) – Sida ay xaqiijiyeen warbaahinta Israel, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa safar qarsoodi ah ku tagay dalka Sacuudi Carabiya, xilli aysan labada dhinac midkood shaacin safarkaas, halkaasi oo uu kulan kula qaatay dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salman. Sida ay werisay warbaahinta Israel, safarka Netanyahu ayaa dhacay maalintii Axadda. Kulanka ayaa lagu soo waramayaa in […]

Militariga Ethiopia oo shaaciyey waxa ay u adeegsanayaan inay qabsadaan magaalada Mekelle.

Mekelle (XeerNews24.com) – Milatariga dalka Ethiopia ayaa qorsheynaya in ay taangiyo u adeegsadaan in ay ku qabsadaan magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigray ee woqooyiga dalkaasi, waxayna uga digayaan dadka shacabka ah in ay sidoo kale madaafiic u adeegsan doonaan magaalada, sida ay Axadda maanta ah ku warantay warbaahinta dowladda. “Qeybaha xiga ayaa ah kuwa […]